Waxaa maanta magaalada Baydhaba ka dhacaysa doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada.
Kursigan ayaa waxaa ka geeriyoday xildhibaan Khaliif Sheekh C/llaahi Dheere, wuxuuna Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ku dhawaaqay in Kursigan maanta la qabanayo doorashadiisa ay u taagan yihiin afar musharax oo kala ah:
1- Isaaq Khaliif Sheekh Cabdulaahi (Wiil uu dhalay xildhibaanka geeriyooday).
2- C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur,
3- Xasan Macallim Ibraahim
4- Iyo C/llaahi Shekh Maxamed.