Sunday, June 29, 2025

AKHRISO: Magacyada xildhibaanada Jubbaland u dooratay Aqalka Sare [Qoondadii Haweenka oo la jebiyay]

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa soo doortay 8 ka mida xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka imaanayay degaanada maamulkaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa noqoday maamulkii saddexaad ee ee dhameystira doorashada xubnaha Aqalka Sare, isagoo noqday maamaulkii koowaad ee jebiyay qoondadii haweenka, iyagoo soo doortay 7 rag iyo haweeney.

jubba-aqalka-sare

Maamulada Aqalka sare ka helay 8-da xubnood ayaa qasab looga dhigay inay laba dumar ah soo doortaan, isla markaana ay laba kursi u qoondeeyaan inay kaliya musharixiin dumar ah oo kaliya ku tartamaan, taasoo maamulka Jubbaland ay garab martay

Senatoorada Baarlamaanka Jubbaland u doortay inay u galaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxay kala yihiin:

  1. Xasan Faarax Xujaale
  2. Axmed Xaashi Maxamud
  3. Cabdulahi Sheekh Ismaaciil
  4. Mowliid Xuseen Guhaad
  5. Axmed Cabdixafiid Maxamed
  6. Iftiin Xasan Baasto
  7. Axmed Macalin Cumar
  8. Faadumo Xasan Aadan

Waxaa xusid muran in Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee heer Federaal Cumar Dhegay uu maanta ku sugnaa magaalada Kismaayo isagoo goobjoog ka ahaa doorashada xildhibaanada aqalka sare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON