Waxaa maanta magaalada Cadaado ka bilaabaneysa doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo la dooranayo xildhibaanada lix kursi.
Mid ka mida kuraasta lagu tartamayo oo ah kursiga Beesha Surre/Dir ayaa laga joojiyay musharixiin rag ahaa oo ku qornaa, kadib markii Afhayeenka Guddiga doorashada Galmudug Yuusuf Diiriye Axmed uu sheegay in kursigaasi ay haween kaliya ku tartamayaan.
Kuraasta lagu tartamayo waxaa ka mida:
Beesha Duduble: Kursi ka mida kuraasta beeshan waxaa ku loolamaya
Maxamed Cilmi Afrax
Bootaan Ciise Caalin
Cabdulle Faarax Xirsi
iyo Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa)
Beesha Mareexaan: Kursi beesha Mareexaan u yaala Galmudug waxaa u taagan
Abwaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel
Suldaan Xaaji Aadan
Deeqo Xuseen Mire
iyo Qaasim Maxamed Cabdi Dheere.
Beesha Murusade: Kursi ka mida kuwa beesha Murusade waxaa isku haya
Xuseen Qaasim Yuusuf
iyo Shire Macalin Gaab.
Doorashada baarlamaanka Aqalka hoose ee Galmduug ayaa ilaa iminka waxaa la doortay saddex xildhibaan oo qura.
Goobjooge.com