Thursday, June 26, 2025

Akhriso Magacyada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Doorashada aqalka hoose ee xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa mar kale maanta dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Maanta oo la dooranayay ila 10 kursi, waxaa ilaa iminka ku soo baxay xubnaha kala ah:

Wasiirkii Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu helay 51-cod, musharaxii la tartamay ee Axmed Maxamuud Cumar  ayaan helin wax cod ah sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdule (Cumar Dhagey).

Kursiga 2-aad: C/xakiin Ciise Guuleed oo helay 21 cod iyo Faysal Cumar Guuleed oo guuleystay kadib markii uu helay 29 cod.

Kursiga 3-aad: Faa’iso Axmed Cali oo aan waxbo helin iyo Aamino Axmed oo ku guuleysatey 51 cod.

Kursiga 4-aad: Farxaan Cabdi Faahiye oo helay 6 cod iyo Cilmi Maxamed Nuur oo ku guuleystay 45 cod.

Kursiga 5-aad: Safiyo Ibraahim Suldaan oo aan waxbo helin, Deeqo Xasan Xuseen oo heshay 18 cod iyo Maryan Maxamuud Ciise oo ku guuleysatay 33 cod.

Kursiga 6-aad: Raaqiyo C/naasir Axmed waxay u tanaasushay Xorriyo Aadan Ciise.

Kursiga 7-aad: Maxamuud Maxamed Sacad wuxuu u tanaasulay Saalax Axmed Jaamac.

Kursiga 8aad waxaa ku guuleystay Cabdow Maax Faarax

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON