Wednesday, July 2, 2025

AKHRISO NATIIJADA: C/weli Muudey iyo Faarax C/qaadir oo isugu soo haray wareega labaad ee tartanka Doorashada

Tirintii codadka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa hadda soo gabagabowday iyadoo si weyn loogu loomayay doorashada.

Natiijada rasmiga ah ee Guddiga Doorashada iyo Guddoomiyaha KMG ah ku dhawaaqeen waxay noqotay sida soo socota:

1.C/weli Ibraahim Muudey: 111 Cod

2.Faarax Sheekh C/qaadir: 94 Cod

3.Khadiijo Maxamed Diiriye: 26  Cod

4.Siciid Xuseen Ciid:  17 Cod

5.Jeylaani Nuur Iikar:  4 Cod

6.Khaalid Macow C/qaadir: 7 Cod.

Guddiga ayaa sheegay in wareega labaad loo u gudbi doono, ayna 4 ta musharax ee ugu horeeya ay u gudbeen y laba musharax ee C/weli Ibraahim Muudey iyo Faarax Sheekh C/qaadir. Sida caadadu tahay waxaa wareega labaad u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan, waxaase la filayaa inay tanaasulaan labada musharax ee Khadiija Diiriye iyio Xuseen Ciid si loogu gudbo wareega saddexaad oo laga maarmo wareega labaad.

Guddiga Doorashada ayaan weli ku dhawaaqin natiijada doorashada iyadoo lala sugayo tirinta codadka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON