Tuesday, July 1, 2025

AKHRISO: Qaabka loo dhisayo Ciidamada Qaran & sida loo qeybsaday tiradooda

Waxaa la shaaciyay qorshaha dib u dhiska ciidamada Qaranka oo isugu jira Milateri iyo Boolis oo tiradooda iyo qaabka loo qeybsaday tirada ciidamada.

Qaab dhismeedka ciidamada waxaa ku heshiiyay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan shir ku yeeshay magaalada Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORSHAHA

  • Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (NSA) waxay noqon doonaan 18,000 oo askari. kuwaasi oo kala joogaya xeryihii ciidanka qaranka (12-aad, 21-aad, 43-aad, 49-aad, 48-aad, 54-aad, 26-aad iyo 60-aad).
  • Ciidamada gaarka (Special Forces) Waxay noqon doonaan 3,000 oo askari waa ciidanka (Danab), sida qorshuhu yahay waxaa qeyb kasta oo ciidanka qaranka saldhig u ah joogi doona 500 oo askari oo ciidamada gaarka ah.

  • Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (Police), waxay noqon doonaan 32,000 oo askari oo iskugu jira Heer Federaal iyo mid maamul goboleed.
  • Weli kama cayimin tirada ciidamada Daraawiishtu noqon doonto.

Ciidamada ayaa loo qeybiyay qaab maamul goboleed oo min 3000 ay ka imaanayaan lixda maamul Goboleed, waxaan weli caddeyn Gobolka Banaadir qeybta uu ku yeelan doono.

Dhameystirka qorshan iyo diyaarintiisa waxaa la sheegay in la doonayo in lagu dhameystiro lix bilood gudahood , oo ka bilowmaya 1-da June 2017.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON