Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa Xukun Dil toogasho ah ah ku riday eedeysnae Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ahaa skari ka tirsan ciidamada dowladda.
Askarigaan ayaa Bishii August, 2019 ku agagaarka Isgoyska Trebuunka ku xilay nin Bajaajle ahaa oo la oran jiray Maxamed Cawil Jaamac.
Qisada askarigan ayaa bilaabtay habeenkii saqda dhexe xilli uu kaso obaxay goob lagu qayilo, kadibna uu marxuumla dilay, wuxuu iibsaday qorigii, wuxuuna ka baxsaday magaalada Muqdisho iyo degaanda ay Dowladda Federaalka maamusho, taasoo keenay in September 2019 Maxkamadda Ciidamada ay u jartay Barwo soo qabasha ah.
Waxaa Xasan Dhiblaawe gacanta lagu soo dhigay Bishii December Sanadkii 2021, markii uu muddo sanad ka badan baxsad ahaa, waxayna dacwadiisu qaadatay muddo laba bilood ah iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay.
Ciidamada Boliika gaar ahaan laanta Dambi baarista CID ayaa ku soo wareejisay Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 18-kii December Sanadkii tegay kadib markii uu u soo Gacan galay bilowgii Bishaasi.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Qiraalka Eedeysanaha, Sedax marag, Baarihii Kiiska, Xaanshida Dhimashada Marxuumka iyo oo ay u dheertahay Waaran uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka Codsaday Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida soo Qabashada Eedeysanaha September 2019-kii.
Maragyadii goobjoogga u ahaa kiiskan waxay sheegeen Marxuumka Bajaajlaha oo iska xareynayay mootadiisa maadaama ay xilli dambe ahayd uu sababsaday Rasaas uu ku riday askariga Xasan Maxamuud Dhiblaawe.
Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe Dil-Toogasha ah oo Qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada Dacwadda u Sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin. Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.
