Friday, June 27, 2025

AKHRISO: Qodobadda horyaalla kulanka maanta ee Baarlamaanka Federaalka

Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulankii ugu horeeyay muddo saddex toddobaad ah oo kulamadii Golaha Shacabka ay u baaqdeen sababo aan la shaacin.

Golaha shacabka oo loo gudbiyay in ka badan 20 hindise sharciyeed ayaa kulamadoodii gaabis noqdeen markii uu soo baxay kiiska sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Ajendayaasha ay xogheynta Golaha shacabka shaacisay inay maanta ka hadlayaan xildhibannada ayaa kala ah: Ansixinta  heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista Soomaaliya iyo India iyo akhrinta warbixinta Guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.

Shirar u qorsheysnaa xildhibaannada ayaa muddo laba jeer ah u baaqday kooram la’aan, kadibna waxaa shirarkii Baarlamaanka gaabis geliyay guddoonka oo ka baaqsaday inuu wax shir ah ku dhawaaqo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON