Wednesday, June 25, 2025

Akhriso: Qodobadda ugu adag ee hor yaalla Shirka Berri ee Afisyoone (Farmaajo iyo Deni oo is wajahaya..)

Waxaa Berri 3-da April 2021 shirkii ugu horeeyay ee fool ka fool ah la isugu keenayaa Madaxweynaha xilkiisu dhamamaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Beesha Caalamka, goobjoogna ka yihiin wakiilo ka socda ayaa ka dhacaya Xaruna Afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaana amniga sugaya ciidamada AMISOM, iyadoo mas’uul kasta uu wadan doono ilaalada gaarka ah.

Shirkan oo lagu sheegay inuu hordhac u yahay shirka weyn ee la isku khilaafay ayaa la ogoleysiiyay labada dhinac, waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamul Goboleedyada, Ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qodobka kaliya ee shirka horyaalla ayaa ah sida oo qabanayo Shirka wadatashiga iyo Ajendayaasha looga hadlayo, waxaana soo hoos galaya qodobadda kala ah:

– Cidda guddoomineysa shirka wadatashiga
– Cidda ka qeyb galeysa shirka
– Qoraalka xilliga kala-guurka oo laga rabo Farmaajo inuu qoro shirkaasi ka hor
– Amniga Doorashada
– Damaanada qaadka fulinta heshiiska Doorashada
– Iyo Dhacdooyinkii 19 Febraayo

Qaar ka mida qodobaddan waxaa dib loogu dhigi karaa shirka weyn marka la isku waafaqo, laakiin waxaa meesha ka baxay is aaminkii madaxda Soomaalida iyadoo Farmaajo loo arko nin doonaa inuu qabt Doorasho uu isagu diyaarsaday.

Dhinaca Farmaajo ayaa doonaya in shirka hore loo galo oo laga doodo, lana ansixiyo qodobadii la isku khilaafsanaa ee ay soo diyaariyeen Guddiga Farsamada shirkii Baydhaba, iyadoo aan arrimo kale la gelin, waqtiga la lumin, taasoo ay ka horjeedaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Joogitaanka Wakiilada Beesha Caalamka ayaa shirka Berri u yeeleysa weji cusub iyo miisaan, waxaana madaxda Soomaalida saaran culeys weyn oo ku qasbi kara inay la yimaadaan tanaasul.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON