Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Qodobaddii kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee Maanta

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.

Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel wanaagsan marayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo Guddiyada Difaaca & Amniga ee Baarlamaanka oo uu xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay, iyadoo baarlamaanku uu si furfuran ula xisaabtamay Xukuumada Qorshaha Amniga Qaranka. Falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla gartay in macluumaadka la wada wadaagay labada dhinac ay muhiim ahaayeen, laguna ballamay in waxii tallooyin ah la wada wadaago.

Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siiyaan raashinka ciidanka, mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada gurmadka gargaarka oo ay sheegtay in iskudubaridka iyo xiriirka uu si fiican u socdo. Wasiirada ayaa sheegtay inay qorsheynayaan bisha Ramadaan inay gargaar gaarsiiyaan qoysas gaaraya 100,000.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ka warbixisay xaalada shuban-biyoodka iyo Daacuunka oo ay sheegtay in dad gaaraya 31,764 ay cudaradan la daalaadhacayaan iyadoo xarumo ku yaalla 50 degmo lagu dabiibayo. Illaa iyo hadda waxaa la soo sheegay in 618 qof ay u dhinteen cuduradan, iyadoo ay socoto dadaal tallaal ah oo 450,000 oo qof la tallaalay.

Wasiirka Qorsheynta ayaa ka warbixiyey dhaqangelinta barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo uu sheegay muhiimada dhammaan hay’adaha dowladda inay qorshahooda ku saleeyaan Qorshahan Horumarinta Qaranka.

Hay’adaha Caalamka iyo Dowladaha taageera Soomaaliya hadda ka dib waa in kaalmadooda ay ku soo saleeyaan Qorshahan iyadoo Dowladda Federaalku ay saxiixi doonto dhammaan kaalmada caalamiga ah ee Soomaaliya.

DHAMMAAD

6Z0A0393

6Z0A0396

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON