Qoraal ay xukuumadda Ciraaq saxaafadda u dusisay ayaa jahawareer ku dhaliyey Madaxda dalka Mareykanka markii ay faafiyeen wakaalada wararka caalamiga ah.
Taliyaha howlgallada wadajirka ah ciidamada Mareykanka Gen. William Seely ayaa qoraalkan u diray Wasaaradda Difaaca dalka Ciraaq, wuxuuna ku sheegay, iyadoo la tixgelinayo qaramimada Ciraaq iyo go’aankii Baarlamaanka dalkaasi ku gaaray in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalkaasi in taliska ciidamada wadajirka ah uu bilaabayo in maalmaha iyo toddobaadyada soo socda la daadgureeyo ciidamada ku sugan Ciraaq.
Isla markii uu soo baxay qoraalka oo la faafiyey waxaa si degdeg u beeniyey Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo sheegay in warqadaasi aysan sax ahayn, isla markaana aanu Mareykanka qorshaha ugu jirin inuu ciidamadiisa laga baxo dalka Ciraaq, kadibna waxaa jawaabo kala duwan jeediyey saraakiisha ciidamada Mareykanka oo sheegay in warqadda ay ahay qabyo-qoraal, ayna khalad ahayn inay dibadda u baxdo.
Wuxuu qoraalkaais weji gabax ku riday madaxweyne Trump iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda oo ku hanjabay inaysan Mareykanka ka bixi doonin , isla markaana ay cunaqabateyn aan horel oo arag saari doonaan dalka Ciraaq.