Kulan lagu waday inuu Sabtidii shalay ay isugu yimaadaan labada aqal ee Baarlamaanka oo uu khudbad ka jeedin lahaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la joojiyay iyadoo aan faahfaahin laga bixin.
Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wargeliyay xildhibaannada inay soo xaadiraan, laakiin waxaa farriin kale loogu sheegay Jimcihii uu arrimo farsamo u baaqday, waxaana ka dambeeyay in madaxweynaha uu safar dibadeed u dhoofay, iyadoo aanu kulankaasi dhicin.
Sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabkaasi waxaa kulanka loo baajiyay, kadib markii laga war helay abaabul sameeyeen xildhibaanno ka horjeedo madaxweynaha oo diyaarsaday marooyin cas iyo Firimbiyo ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan khudbadda Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaannadan ayaa waxaa hormuud u ahaa xubno caan ka ah baraha bulshada oo ka horjeeda madaxweyne Farmaajo, waxaana ujeedkoodu ahaa inay muujiyaan sida looga horjeedo dowlada uu hoggaamiyo Farmaajo iyo fashilka heysta dowladda Federaalka.
Goobjooge