Iyadoo inta dalalka Islaamka maanta oo Khamiis ah laga ciidayo Ciidul fitriga sanadkan 1442H ayaa waxaa jira dhowr dal oo maalinta Jimcaha ee Berri Ciidi doona, kuwaasoshaaciyey inay bishii waayeen maqribkii xalay ee Arbacadda.
Dalalka Jimacaha Berri ay CIID u tahay waa dhowr dal oo hore soonka u bilaabay Arbacadii, maantana ay u tahay 30-ka Ramadaan, sidaasina ay Jimcaha 14-ka May ugu dhawaaqeen inay u tahay maalinta koowaad Ciidul fitriga.
Dalalkaani waxay kala yihiin:
BRUNEI: Dalkan oo uu ka taliyo Boqor Suldaan ah, Waa dal yar oo ay ku nool yihiin dad ku dhow Nus Milyan ruux, waxayna xuduud la leedahay dalka Malaysia iyo Badda Koonfurta Shiinaha. Waxaa laga shaaciyey in la waayey bishii Shawaal, isla markaana Ciidul Fitriga uu noqon doono Jimcaha.
BANGLADESH: Waa dal kale oo ku yaalla Aasiya, waana Dal caan ah waxaa laga shaaciyey in la waayey Bishii Soonfur, iyagoo soomay 29 maalmood, sidaadina waxay ku ciidi doonaan Maalinta Jimcaha ee Berri oo ku beegan 14 May 2021.
MUSLIMIINTA INDIA: Waxay caddeeyeen inaysan arkin Bishii Shawaal maqribnimadii Arbacadda 12-ka May, sidaadi darteedna ay soomayaan Khamiista maanta, Ciidul Fitriga u bilaaban doono Jimcaha 14-ka May 2021.
Waxaa hore shalay oo Arbaco ah u ciiday ilaa afar dal oo Afrikaan ah iyo Alshabaab oo maamusha degaano ka mida Koonfurta Soomaaliya. (Warkan Akhriso)
Waxaa maanta laga ciidayaa inta badan dalalka Islaamka, iyadoo la oran karo waa Ciid si weyn ugu midoeebeen dalal fara badan oo islaam ah, oo ay hoggaamiso Sacuudiga, waxaana kusoo biiray dalal hore maalin uga danbeyn jiray oo xalay laga arkay Bishii Soonfur.
LIISKA DALALKA MAANTA CIIDAYA:
1. Jordan
2. UAE
3. Bahrain
4. Algeria
5. Sudan
6. Iraq
7. Kuwait
8. Morocco,
9. Saudi Arabia
10. Yeman
11. Indonesia
12. Pakistan
13. Turkey
14. Tunisia
15. Syria
16. Oman
17. Palestine
18. Qatar
19. Lebanon
20. Libya
21. Malaysia
22. Egypt
23. Mauritania
24. Somalia
Dalalka shalay ay u ahayd 29 maalmood, balse bisha laga arkay ee sidaas maanta ku ciidaya waxaa ka mida: Cumaan iyo Marocco.