Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Shan Qodob oo ay isla qaateen Madaxweyne Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan sheekh [Raaligelin uu bixiyey..]

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Muqdisho, kadib kulan dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobadii looga hadlay kulanka iyo wixii la isla qaatay.

Shirka jaraa’id oo ay ka wadahadleen madaxda iyo mas’uuliyiinta Madasha ayaa lagu sheegay in looga hadlay xaaladda siyaasada, amniga Muqdisho, Doorashooyinka, dagaalka Alshabaab iyo qoddobo kale oo ay ka mid yihiin xuquuqda muwaadinka iyo xoriyadda fekerka iyo hadalka.

Qodobada ay isla qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore waxaa ka mida:

1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka garaabay, kana raali geliyey madaxweynayaashii hore ficilladii lagula dhaqmay labadii jeer ee ay dhacdooyinka xayiraadii ku qabsadeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

2. In Doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan ay xiligeedii loo cayimay ku dhacdo, muddo kordhinna aysan jiri doonin; ayna ka heshiiyaan Dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadeedna qaabka doorashadaasi u dhaceyso Doorashada 2020-2021.

3. In la dhowro Dastuurka dalka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, lana fududeeyo isu socodka dadka iyo ganacsiga.

4. Inaan la siyaasadeyn Ciidamada iyo Amniga, khaladaadka dhacana aysan Siyaasiintu siyaasadeyn amniga.

5. In meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Alshabaab.

Kulamo kale ayaa la sheegay inay yeelan doonaan labada dhinac iyadoo kulanka maanta uu ahaa midkii ugu horeeyay oo bilow ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON