Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Shanta Qodob ee xasaasiga ah oo ku dhex jira Warbixinta Guddiga Baarlamaanka ee arrinta Qalbi-dhagax

Guddigii Baarlamaanka Federaalka u saaray arrinta sarkaalkii ka tirsanaa Jabhadda Ururka Xorreynta Ogadeniya ee ONLF C/Kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya ayaa maanta warbixintooda hor geynaya Golaha Shacabka.

Xukuumadda Soomaaliya muddo kadib arrintan shaacisay inuu halis ku ahaa amniga dalka, xiriirna kala dhaxeeyay Alshabaab, isla markaana Itoobiya loogu dhiibay iyadoo la raacayo heshiis labada dal u dhaxeeyay.

Warbixinta Guddiga Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay ka jawaabto shan su’aal oo muran badan ka taagan yahay, kuwaasoo kala ah:

1- Ma ahayad sharci Wareejinta Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya..?

2- Maxay Soomaaliya u aqoonsan tahay ururka ONLF..?

3- Yaa qaatay go’aanka dhiibista Qalbi-dhagax.?

4- Ma jiraa heshiis maxaabiis is-weydaari iyo masaafuris oo Itoobiya & Soomaaliya u dhaxeeya..?

5- Tallaabada dhiibista Qalbi Dhagax sidee loo waafajinayaa dastuurka iyo muwaadinimada Soomaaliya.

Jawaabahan kadib waxaa kala caddaan doonta in dhiibistii Qalbi dhagax ay sharci ahayd ama sharci darro, iyadoo xaaladda dambe ay ka dhalan karo raadraac iyo xiisad siyaasadeed oo Baarlamaanku ku qeybsan yahay  sida loo wajihi doono.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON