Golaha wasiirada ayaa caawa xilka ka qaaday hanti dhowrihii guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.
Xil ka qaadista hanti-dhowrka ayaa loo cuskaday arrimo is biirsaday oo ay Golaha Wasiirada u soo bandhigeen Guddi baaritaan ku wada falkii lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud Nuur Faarax Jimcaale.
Afar qodob ayaa ugu waaweynaa sababaha keenay xil ka qaadista hantidhowraha, waxaana dhibaatada dhaliyay wareysi uu siiyay VOA-da oo kiiska dhex fariisiyay.
Qodobadda waxay kala yihiin:
1- Inuu ka been sheegay sidii ay wax u dhaceen, iyadoo meesha ay dhacday xabbad kaliya oo lagu dilay wasiirka [Hanti dhowraha wuxuu sheegay in rasaas ay is-weydaarsadeen laba ciidan].
2-In qoriga dilka wasiirka lagu geystay uu ahaa mid aan sharciyeysneyn, qorigii uu lahaana uu cid kale u dhiibtay.
3- Inuusan u gurman wasiirka ay ilaaladiisu dishay, kadib markii uu ogaaday in wasiirku ahaa ciddii ay ilaaladisu dishayna, uu goobtii isaga dhaqaaqay isagoo wata gaarigii falka geystay.
4- Inuu ka hor dhacay falka lagu dilay wasiirka isagoo warbaahinta VOA ka sheegay arrimo aanay waxba ka jirin oo ku saaban falka dilka ahaa ee ay ilaaladiisu geysatay.
5 – Guddiga Baaritaanka kiiska ku dhex jira oo dalbaday in xasaanadda laga qaado si ay tallaabo uga qaadaan, su’aalana loo weydiiyo.
Goobjooge.com