Friday, June 27, 2025

AKHRISO: Shirkii Golaha Wasiirada oo looga hadlay Doorashadii K/Galbeed & Sharci lagu ansixiyey

Shirkii Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Doorashadii K/Galbeed iyo Sharciga Iibka Qaranka.

Waxaa shirka lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay Sharciga iibka Qaranka. Sharciga iibka qaranka oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya  ayaa dib-u-eegis lagu sameeyay, waxaan golaha hor keentay Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ansixinta sharciga kadib waxa uu golaha uga warbixiyay shirarkii uu uga qayb galay magaalooyinka Nairobi iyo Qaahira ee looga hadlayay cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirada uga warbixiyay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee madaxwaynaha dawlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Koonfur Galbeed sida ay uga qeyb gaateen doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulaysto mas’uuliyadda degaannada Koonfur Galbeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON