Maamul goboleedyada dalka ayaa saamiyo isu dhow ka helay Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya, marka laga reebo Galmudug oo hal wasiir oo qura ka heshay.
Arritan ayaa waxaa ugu wacan iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay ka soo wada jeedaan maamulka Galmudug, taasoo keentay inay aad ugu yaraadaan Golaha wasiirada, waxeyse bedelkeed ku jiraan wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha.
HOOS KA AKHRISO SIDA MAAMUL GOBOLEEDYADA U KALA HELEEN XILALKA WASIIRADA
SOMALILAND
- Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen, (Somaliland)
- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda, Somaliland
- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, (Somaliland)
- Xildhibsan Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Somaliland
PUNTLAND
- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland
- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka, (Puntland)
- Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga, (Puntland)
- C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, ( Puntland)
- Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha, Beesha Shanaad, (Puntland)
GALMUDUG
- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, (Galmudug)
JUBBALAND
- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha, (Jubbaland)
- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka, (Jubbaland)
- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud, (Jubbaland)
HIRSHABEELLE
- Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada (Hirshabelle)
- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga, (Hirshabelle)
- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, (Hirshabelle)
- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha, ( Hirshabelle)
- C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Hawiye, (Hirshabelle)
- Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, wasiirka wabarashada iyo tacliinta sare, (Hirshabelle)
- Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, (Hirshabelle)
BANAADIR
- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka. (Banaadir)
- Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed , Wasiirka Macdanta iyo Batroolka , Banadir
KOONFUR GALBEED
- C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga, ( Koofurgalbeed)
- Iimaan C/llaahi Cali, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, (Koofur Galbeed)
- Xildhibaan Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, (Koofur Galbeed)
- Xildhibaan Prof. Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, (Koofur Galbeed)
- Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Cadaaladda, (Koofur Galbeed)