Xiriirka u dhaxeeya saddexda mas’uul ee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maraya halkii ugu xumeyd in ka badan muddo hal sano ah oo ay wada shaqeynayeen.
Guddoonka oo ka kooban Guddoomiyaha Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ku xigeenka koowaad, C/weli Ibraahim Muudey iyo kuxigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku kala qeysamay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari, iyadoo shirqool siyaasadeed loo dhigay C/weli Muudey oo mooshinka qabtay aroortii Arbacadda ee 14-ka bishan iyadoo Galabtiina la shaaciyey inuu kooram gaari waayey Mooshinkii. [AKHRISO]
Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa isku dhinac kasoo jeestay mooshinka oo dejiyay qorshe ay ku fashiliyaan iyagoo adeegsanaya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Baarlamaank, halka C/weli Muudey uu dhinaca kale taagan yahay isagoo mooshinka ku tilmaamay sharci.
Haddallo kulul ayaa kulankii Arbacadda ee Guddiga joogtada ahaa ku dhex maray Jawaari iyo C/weli Muudey, kadib markii Prof. Jawaari ku dooday in mooshinka uu sharci darro oo aanu soo marin qaabkii sharci ahaa, isagoo C/weli Muudey ku cannaantay inuu qabto mooshinka oo saxiixo, wuxuuna intaas sii raaciyey in Mooshinka ay ahayd in guddoonka oo wadajira loo keeno oo markaas kadib ay go’aan ka gaaraan sharcinimadiisa.
Dooda Jawaari waxaa ku gacan seyray C/weli Muudey oo ku dooday mar haddii Guddoomiyaha mooshinku ka socdo in ku xigeenka koowaad uu xaq u leeyahay inuu qabto, markii hubiyo inuu sharci yahay, wuxuuna weydiiyay Jawaari sida Mooshin isaga laga keenay uu sharcinimadiisa u go’aamin karo..?
Doodii labada nin ayaan wax xal ah laga gaarin, iyadoo markii danbe lagu siray qorshe ay dejiyeen Jawaari iyo Mahad Cawad oo ahaa inay hayaan waraaqo ay mooshinka xilli hore uga laabteen 16 xildhibaan, ayna ku soo hareen 91 xildhibaan oo aan kooram ahaan mooshin ka keeni karin guddoomiyaha Baarlamaanka, maadama loo baahnaa 92 xildhibaan. [AKHRI WARKAN]
Saacado kadib ayuu ogaaday C/weli Muudey in inta badan waraaqaha la hor keenay ee lagu sheegay inay ka noqdeen Mooshinka Jawaari ay ahaayeen been markii xildhibaanadii waraaqahooda lasoo hordhigay ay u tageen C/weli Muudey una caddeeyeen in qoraalladaasi aysan waxba ka jirin oo ay ku taagan yihiin mooshinka Jawaari.
Arrintaasi ayaa keentay inuu habeenkii Arbacadda xilli danbe shir jaraa’id qabto ku dhawaaqo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey in Mooshinka Jawaari uu sharci yahay [AKHRISO WARKAN]