Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: Sidee Ra’iisal Wasaare Kheyre ula wareegay shaqadii Wasiirka Maaliyadda..?

Xasan Kheyre oo difaacaya Shirkadihii ay heshiiska la gashay dowladii Xasan Sheekh

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhaqaaqay tallaabo shaki gelineysa baaqiisii ahaa inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu jebiyay amarro ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle oo uu doonayay inuu ku saxo musuq ka jiray heshiisyo ay dowladii Xasan Sheekh la gashay shirkado gaar loo leeyahay.

Xogta la helay xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaaraha ka daba tegay go’aan uu Wasiirku soo saaray oo ku saabsanaa in Shirkadaha adeegga dowladda qabta ee heshiiska kula jira dowladda ay lacagaha ay qabtaan ku shubaan Bankiga Dhexe, amarkaas oo Ra’iisal wasaaruhu farageliyay markii ay maamulayaasha shirkadahaasi si gaara ula kulmeen.

Waxaa kaloo Ra’iisal wasaare Kheyre la sheegay inuu fasaxay shirkadihii muranka ka taagnaa iyo kuwo cusub oo dowladii hore heshiisyo la gashay, iyagoo wasiirka Maaliyadda amarradiisii ay shaqeyn waayeen siiba kuwii uu ka soo saaray canshuur dhaafka iyo maamulka miisaaniyadda.

Garyaqaanka guud ee dowladda oo aan looga baran inuu ka hadlo arrimaha maamulka dowladda ayaa Qoraal dheer oo uu soo saaray  ku sheegay in Ra’iisal wasaaraha ku xadgudbay Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna faahfaahiyay tallaabooyin uu qaaday isagoo baarlamaanka ugu baaqay inay isha ku hayaan [AKHRI QORAALKA]

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON