Monday, June 23, 2025

AKHRISO: Su’aalihii ugu adkaa ee Xildhibaannada Baarlamaanka weydiiyeen Wasiir Beyle & Miisaaniyadda 2019

Dood adag ayaa ka dhacay kulankii Baarlamaanka ee maanta oo la hor keenay Miisaaniyadda dowladda 2019, kadib markii xildhibaanno ka mida baarlamaanka ay su’aalo adag ka keeneen qodobo ka mida miisaaniyadda.

Kulanka Baaralamaanka oo maanta ku furmay 156 xildhibaan kadib muddo bil ka badan oo Baarlamaanku u xirnaa khilaaf ka dhashay Guddiga Maaliyadda iyo Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ayaa xildhibaanada qaar waxay su’aalo adag ka keeneen Miisaaniyadda cusub, iyadoo miisaaniyada sanadihii 2017 iyo 2018 aan wax xisaab xir ah laga sameyn.

Osman Hagi ALi MP

Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali ayaa su’aal ka keenay lacaga loo qoondeeyay dowlad Goboleedyada: Waxaa loo qoondeeyay Dowlad Goboleedyada lacag ka duwan tii hore sida Somaliland, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed; lacagtaas oo kala badan. marka, waxaan u baahan nahay sharaxaad dheeraad ah” ayuu yiri xildhibaanka oo su’aasha u jeediyay wasiirka maaliyadda.

Waxaa hadalkii qaatay xildhibaan  Axmed Xaaji Taaw oo isna dood ka keenay sababta loo qaadi waayey canshuur muddo dheer ku qorneyd miisaaniyadda.  “Waxaan soo jeedinayaa in la bidhaamiyo waxa sababay in la waayo Canshuurtii Biyaha sifeysan iyo Cabitaannada, iyo waxa hoos u dhigay Canshuurtii Qaadka ee dalka sanadkan?.

Image result for Xildhibaan Guuleed Ceydaruus

Dhinaca kale Xildhibaan Guuleed Ceydaruus si toos ah uga hadlay xisaabxirka miisaaniyadaha sanadihi hore, isagoo yiri: “Wasaaradda Maaliyadda waxaa ku maqan labo xisaab xir (2017 -2018). Waxaa la yiraahdaa qof hagoog xumi waxa uu u ekaadaa tuug”. Waxaan dareemaynaa inaad deg degeysaan, haddii aad maanta keentaan oo aad tiraahdaan horey ka ansixiya, waxay noqonaysaa mid qeyru masuulnimo ah, shacabkuna waa naga shakinayaan”.

Xildhibaan Warsame Maxamed Joodax ayaa isna su’aal ka keenay inaysan Wasaaradda Maaliyadda bixin lacagihii loo ansixiyey ciidamada oo ahayd in loo kordhiyo $50 Doolar wuxuuna yiri “Dhaqaalihii horay loogu daray ciidanka sida 50-kii Doollar ee Golaha Shacabka ogolaaday, waxaan aragnaa in aan la bixin…?”.

Xildhibaan kale aya is weydiiyey: Maxaa markasta dib loogu dhigaa lacagta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu u ogolaaday in ciidanka loogu daro?”.

Xildhibaan Cabdi Cali ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku qabsaday inaysan bixin lacagtii loo qoondeeyay Jaamacadda Umadda iyo Deyntii ay ahayd inay bixiso.  “Wasaaradda Maaliyadda ma bixin dhammaan lacagihii deenta ahaa ee ay balanqaadday sanadahii la soo dhaafay. Meesha ugu daran waa dhaqaalihii loo qoray Jaamacadda Ummadda. Waa ayaandarro in lagu qiimeeyo mushaar ahaan 183 Doollar Barafasoor ilaa shaqaalaha, halka 700 oo Doollar Mushaar ahaan looga qaato Meelaha kale”.

Waxaa si kulul ula hadlay wasiirka Maaliyadda Xiildhibaan Sakariye Gaashaan oo su’aashiisu ku saabsaneyd lacagtii Wasiirka Maaliyadda Turkiga dhigay ee Sacuudiga ka timid, halkii ay ku danbeysay. Wuxuuna yiri: “Guddoomiyaha Bangiga lacagtii ay Golaha Shacabka ka hor sheegtay ee sida sharcidarada ah uu u qaatay Wasiirka Maaliyadda, waxaan rabnaa in la daba raaco waxii ka haray. Ciidanka NISA waa la kala diray oo sanad wax mushaar ah lama siin, haddana waxaa u qoran miisaaniyad. Marka, waa in la caddeeyaa…??”.

Xildhibaan Dahir Amiim Jeesow ayaa  dhinaciisa ka qeyb aatay dooda wuxuuna  ka hadlay arrimo dhowr ah oo aan la fulin.  “Golaha Shacabka waxaa saaran waajibaad ah Degaan-Doorashada; maxaa miisaaniyadda loogu dari waayay dhaqaale u fududeeyo deegaan doorashadooda Golaha Shacabka. Waxaa isla fadhiya Wasiir Kuxigeen qaata 7 kun oo Doollar iyo Xildhibaan aan haysan dhaqaale uu ku tago degaan doorashadiisa. Marka, sidee lagu gaarayaa Xasilooni Siyaasadeed? Mashaariic ayaa markasta lagu soo qoraa misaaniyadda meel ceel laga qodayna uma jeedno, marka waxaan u fahmay in lagu dhuunto mashaariicda oo fara dhuuqdhuuq yar laga helo..”

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isku dayey inuu ka jawaabo su’aaha qaar wuxuuna yiri: “Waan isla qabnaa in ciidanka lacagtooda la kordhiyo, Lacagta Waxbarashada iyo Jaamacadda Ummadda la bixiyo, laakiin ciidanka waxaa ku jira mad-madow, waxaana bixinay mushaarka ciidanka oo dhan 23 kun oo ciidan. Marka, waxaan ku wadnaa tirakoob, kadibna waxaan bixin doonnaa lacagta aad kordhiseen. Mashaariicda, waxaan ka fulinay meelo badan sida Kismaayo, Jowhar iyo Gado, waana sii wadi doonaa”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdala Cawad oo la wareegay guddoominta Baarlamaanka qeybtii danbe ayaa shirkii maanta soo xiray, isagoo sheegay in Berri dib la isugu soo laaban doono, waxaana su’aalaha ka jawaabti doona Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Maaliyadda, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON