Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Taariikh Nololeedka Ra’iisal wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo 82 sano jir ah.

Marxuumka ayaa soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2007-2009, wuxuuna xilkaas hayey xilli adag oo dalka dagaallo culus ka socdeen, isagoo horseeday heshiiskii Maxkamadaha Islaamiga iyo Dowladda Federaalka oo lagu dhisay dowladii uu hoggaaminayey Sheekh Shariif.

Nuur Cadde ayaa isbitaalka Kings College ee magaalad London ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo muddo laba toddobaad ah uu la xanuusaneyay, isagoo saaka 7:00 subaxnimo xilliga Muqdisho April 2020 geeriyooday.


Akhriso Taariikh Nololeedkiisa oo kooban

Nuur Xasan Xuseen oo loo yaaqaan (Nuur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha Soomaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna wuxuu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

Col. Nuur Cadde waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

Wuxuu Cidanka Booliska Somaaliyeed ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, isagoo kasoo qabtay xilal kala duwan, sida: Taliye ku xigeenka Xafiiska Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed.

Wuxuu Nuur Cadde ka mid noqday mutadawaciinta ka tirsanururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka.  

Wuxuu dagaaladii sokeeye kadib noqday Xoghayaha guud ee Hay’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo 17 sano ah uu hayey xilkaasi ilaa 2007.

Col. Nuur Caddde wuxuu lahaa khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan 50 sanadood. Wuxuuna madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990).

Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn ka qaatay badbaadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.  

Wuxuu hormuud u ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya oo kaalin weyn ka qaatay gargaarkii umadda Somaaliyeed loo fidiyey xilligii dagaalada sokeeya iyo macaluusha, iyadoo ay Bisha Cas maamuleysay Isibitaalada waaweyn sida Medina Hospital, Keysaney Hospital, Garowe iyo Baydhaba Hospital. Waxa kale oo ay maamulaan sagaal iyo afartan (49) xarumood ee caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Novembar 2007 ayuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay Ra’iisal wasaaraha dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya.

June 2009, waxaa loo magacaabay Safiirka Somaaliya ee dalka Talyaaniga.

Nuur Cadde wuxuu ahaa nin lagu yiqiin deggenaan, daacadnimo iyo howlkarnimo, isagoo dadkii lasoo shaqeeyay ay ku xusuustaan sidii uu nadiifka uga ahaa musuqmasuqa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON