Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku dhintay wasiir ku xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla oo ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii Alshabaab ku qaadeen xarunta Wasaaradda. Haddana waxaan idin soo gudbineynaa taariikhda marxuumka.
Allaha u naxariistee, Saqar Ibraahin Cabdalla waxa uu ahaa xildhibaan kamid ahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo, sanadku markuu ahaa 1976-dii. Deegaan-doorashada xildhibaanka, oo ku cusub Baarlamaanka, waa Jubbaland. Swaqar waxa uu, sidoo kale, ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshadda xukuumadda Soomaaliya.
Waxbarashada
Dugsiga hoose iyo dhexe waxa uu xildhibaanku ku qaatay dugsiga Calanley ee magaalada Kismaayo, waxaana burburka dalka uu dhacay isaga oo maraya fasalka 1-aad ee dugsiga sare.
Wixii intaa ka danbeeyay waxa uu xildhibaanku tagay dalka Kenya. Dugsiga sare waxa uu kaga baxay dugsiga Al-nur ee Kenya.
Waxa uu heerka 1-aad ee waxbarashada sare ku qaatay Jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar, sanadkii 2006-dii. Taqasuskiisu waxa uu ahaa Sharciga iyo Qaanuunka.
Allaha u naxariistee, xildhibaanka oo sii wata safarkiisa waxbarasho ayaa shahaadada 2-aad ee Mastarka ka qaatay Jaamacadda International Islamic University ee dalka Malaysia, sanadkii 2015-kii. Isagoo taqasuskiisu ahaa Sharciga Caalamiga ah.
Swaqar iyo Siyaasadda
Safarkiisa siyaasadda ka hor waxa uu xildhibaan Saqar ahaa bare machadyo waxbarasho illaa uu bare jaamacadeed ka noqday, oo uu wax ka dhigay jaamacadda International Islamic University ee Malaysia.
Waxyaabaha ku qasbay inuu xildhibaan noqdo waxaa uu ku sheegay in ay kamid ahayd dadka uu matalayey inuu horumar ku hoggaamiyo, islamarkaana uu wax badan u qabto.
Waxa uu aaminsanaa xildhibaanku in xubin kasta, oo katirsan baarlamaanka, ay saaran tahay mas’uuliyadda ah inuu ka warqabo deegaan-doorashadiisa, islamarkaana uu ogaado xaaladda bulshadda ku nool ee uu matalo.
Himillada xildhibaanka ku taagneyd waxay ahayd inuu ka dhiso bulshadiisa dhinac kasta, isaga oo mudnaan gaar ah siinayey waxbarashada oo uu aaminsanaa inay ka muhiimsan tahay waddooyin la dhiso iyo waxii lamid ah.
Allaha u naxariistee, Xildhibaan Swaqar Ibraahin Cabdalla, oo ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxa uu maanta ku dhintay weerar ismiidaamin iyo toogasho isugu jirta, oo la sheegay in ay Al-Shabaab ku qaadeen Wasaaraddiisa, halkaas oo ay dad kaloo badanna ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.
Isha: Kalfadhi