Waxaa shalay loo magacaabay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) inuu noqdo madaxweynaha KMG ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, isagoo aan ka tirsaneyn xisbiga talada haya ee DDSI.
Golaha dhexe ee Xisbiga Dimoqradaadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo shirar uga socdeen magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweyne KMG ah ilaa sanadkan 2020 oo doorasho ka dhici doonto degaanka Soomaalida Itoobiya.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKA MADAXWEYNAHA CUSUB EE DDSI
Mustafe wuxuu ku dhashay 1972 magaalada Awaare ee aagga Jarar ee gobolka Soomaalida Itoobiya. Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay dugsiga Awaare, wuxuuna ku sii dhamaystirtay Dhagaxbuur oo reerkoodu uu u guuray, halkaasoo sidoo kalena uu dugsiga sare ka galay.
Waxbarashadiisa jaamacadda wuxuu ku sameeyey jaamacadda Addis Ababa, kulliyadda dhaqaalaha, halkaasoo uu ka qaatay shahaadada 1aad ee cilmiga dhaqaalaha.
Shahaadada Labaad ee jaamacadda (masters) ee isla dhaqaalaha wuxu ka qaatay Imperial College of London.
Wuxuu agaasime ka soo noqday machadka tababarka macallimiinta ee Jigjiga oo hadda loo yaqaanno kulleejka tababarka macallimiinta ee Cabdulmajiid.
Wuxuu kaloo soo noqday wasiir ku xigeenka waxbarashada ee gobolka Soomaalida. Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Save the Children, WFP, OCHA, iyo qaar kale. Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay hawlaha bani’aadminimo ee Qaramada Midoobay.
Waxaa loo beddelay dalka Zimbabwe 2006/7 ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo, markaasoo uu gacan ka gaystay in la kashifo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo TPLF ay ka gaysteen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Iminka inta aan la magacaabin wuxuu u shaqaynayey hawlgalka bani’aadminimada Qaramada Midoobay oo uu u ahaa sarkaalka qaabilsan xiriirinta hawlaha bani’aadminimada ee Soomaaliya.
Mustafe Muxumad Cumar waa shakhsi u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waana nin aad wax u qora. Wuxuu aad uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar. Oktoobar 2016 waxaa sida la sheegayo u hanjabay maamulkii gobolka ka talinayey.
Markii uu u hogaansami waayey digniintaas ayaa ciidanka Liyuu Boolisku qabteen oo ay ka kaxaysteen aabihiis oo 70 jir ahaa, iyo walaalkiis ka yaraa, Faysal Cumar oo ay ka qabteen magaalada Dhagaxbuur.
Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in Faysal la dilay, kadib markii laga tuuray gaari xawli ku socday, iyadoo kadibna la sheegay in uu isagu is dilay, xilli uu aabihii goobjoog ahaa, waxaana arrintan loo arkaa isbedel weyn oo dhacay Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Dad badan ayaa baraha bulshada kusoo dhoweeyay madaxwenaha cusub ee Soomaalida Itoobiya, waxayna sheegeen inuu yahay aqoonyahan isbedel weyn ka sameyn doono degaanka Soomaalida Itoobiya.