Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Taariikhda Uhuru Kenyatta Madaxweynaha la doortay ee Kenya

Waxaa goor dhow lagu dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu mar labaad ku guuleystay xilka madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii uu ka guuleystay ninkii la tartamayay ee Raila Odinga.

Waxaan dib u eegeynaa taariikhda Uhuru Kenyatta oo ah ganacsade uu dhalay asaasihii dowladda Kenya ee madaxweynaha ka noqday dalkaasi markii ay Kenya xoriyadda ka qaaday Ingiriiska.

Uhuru Kenyatta waa nin maalqabeen ah, wuxuuna ka mid ahaa labadii Ra’iisul wasaare ku xigeen ee dowladii lagu heshiisyay qalalaasihii doorashada kadib ee Kenya. Waxaa dhalay ninkii u horseeday Kenya inay xornimada qaadato ee Mzee Jomo Kenyatta, isla markaana noqday madaxweynihii ugu horeeyay, waxaa uu leeyahay magac, sharaf lacageed iyo waliba culeyska ay labadaasi wataan.

Magaca Uhuru waa kalmad sawaaxili ah oo macnaheedu yahay Xoriyad, isagoo sameeyay rikoor cusub oo taariikhi ah markii uu mar labaad xilka madaxtinimada Kenya uu ku guuleystay.

Wuxuu hore u noqdaymadaxweynihii ugu da’da yaraa ee  soo mara Kenya, isagoo dhashay bishii October 1961-kii. Wuxuu aabihii uga dheereeyay hoggaanka Kenya isagoo laba xilli oo 10 sano isku ah hoggaamin doona Kenya.

Inta badan dadka Kenya ma xasuustaan maaliintii bishii July sanadii 1990-kii, markaa oo isaga iyo afar wiil oo kale oo ay dhaleen siyaasiyiin caan ah ay soo saareen war saxaafadeed ay kaga codsanayaan xisbigii talada hayay ee KANU inay furaan hanaanka xisbiyada badan.

Marxaladii ugu muhiimsaneyd ee taariikhda siyaasadeed ee Uhuru waxa ay aheyd markii madaxweynihii hore ee Moi uu u magacaabay inuu noqdo qofka xilka ka badali lahaa, waxay aheyd 2002-dii, go’aankaasna waxa uu ka careysiiyay siyaasiyiin caan ah oo uu ku jiray, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenkii waagaas ee George Saitoti.

Siyaasiyiintaasna waxay go’aansadeen inay isaga baxaan

xisbigii KANU waxayna taageereen Mwai

Kibaki oo ku guulaystay doorashadii.

Uhuru sidaa ayuu ku lumiyay fursadii ugu horeysay ee uu ku doonayay inuu ku noqdo madaxweyne.

Doorashadii xigtay ee 2007-dii waxa uu taageeray Mwai Kibaki oo doonayay in markale la soo doorto waxayna markaa si dadban isaga hor yimaadeen Raila Odinga.

Ka dib markii la xaliyay murankii ka dhashay doorashadii 2007-dii Uhuru waxa uu noqday Ra’iisul wasaare ku xigeen waxaana loo magacaabay Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu u muuqday shakhsi ku dadaalaya inuu muujiyo inuu yahay qof cagahiisa ku istaagi kara, maadaama markii hore uu ku soo baxay gacan qabad iyo taageerada madaxweynihii hore ee Moi, wuu isaga baxay xisbigii KANU oo waxa uu uga sii gudbay inuu sameysto isbaheysiga la magac baxay The National Allience (TNA), wuxuuna xulufo la sameystay xisbiyo kale si uu hamigiisa u gaaro.

Waxaa si dhib leh uga badbaaday maxkamadda cadaaladda adduunka ICC oo dacwadi uga furneyd muddo dheer, isagoo ku sigtay in mustaqbalkiisa siyaasadeed uu mugdi galo.

Wargeyska caanka ah ee ka faaloodaa maalqabeenada ee Forbes ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu ka soo galayo kaalinta 23-aad dadka ugu qanisan qaarada Afrika, waxa uuna wargeysku hantidiisa ku qiyaasay $500 oo milyan oo doolar.

Dhanka kale, Uhuru waxa uu si dhaqsa ah ugu hormarayaa ka ganacsiga iyo maalgashiga warbaahinta. Reerkiisa ayaa waxa ay lee yihiin xarun TV, wargeys iyo dhowr idaacadood oo ka howlgala dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Dalka Kenya

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON