Monday, June 23, 2025

AKHRISO: Waa kuma Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre..? [Warbixin Xasaasi ah]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hore u qaaday qaaday tallaabo hor leh oo cusub isagoo Ra’iisal wasaare u magacabaay nin lagu magacaabo Xasan Cali Kheyre.

Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ayaa la yaab ku noqotay dad badan, sabaha soo socda awgeed.

1- Waa ninkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda beesha Murusade oo xilkan loo magacaabo taariikhda, taasoo uu uga badbaaday sida muuqata loolankii u dhaxeeyay Beelaha Abgaal iyo H/Gidir.

Ad

2- Waa nin aan siyaasad hore ugu jirin, oo ku soo caan baxay urarrada samafalka, waxaana uu madax ka noqday hay’add NRC ee samafalka Norway.

3- Waa Qurbejoog kale oo haysta dhalashada Norway, isla markaana isaga iyo madaxweynha ay wada yihiin qurbejoog.

4- Xasan Cali Kheyre wuxuu Soomaaliya u qaabilsanaa Shirkadda SOMA and OIL oo muran badan hareeyay musuq ay ku lug yeelatay kadib heshiis shidaal baarisa ah oo ay la gashay dowladii Xasan Sheekh.

- Advertisement -

5- Ra’iisal wasaaraha la magacaabay waxaa lagu eedeeyay  inuu xiriir la leeyahay Alshabaab, arrintaas oo ay qoreen Guddiga cunaqabateynta Q/Midoobay laakiin markii dambe caddeyn loo waayay.

Ra’iisal Wsaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Xasan kheyre ayaa hore u ahaa la-taliyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna lug weyn ku lahaa heshiiska shidaal baarista shirkadda SOMA AND OIL oo uu madax uga ahaa Geeska Afrika.

Warar Xogogaal ayaa sheegay  mar iyadoo loo magacaabi rabo Xasan Kheyre  xoghayaha guud ee IGAD  ay soo baxday  Warbixin ay Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring Group) ku sheegeen inay Xasan Kheyre suurtogal tahay inuu xiriir la leeyahay Xarakadda Alshabaab.

Xiriiryaha Guddiga QM ee Kormeerka Somalia iyo Eritrea, Christophe Trajbet ayaa horey u qoray in Wakiilka Soma Oil and Gas ee Bariga Afrika, Xasan Kheyre laga yaabo inuu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo waxa uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.

- Advertisement -

Dagaal dheer oo sharciyeed waxaa Guddiga Q/Midoobay uu bixiyay raaligelin, waxaana Hassan Kheyre u dooday qareeno caalami ah oo eedeynta Guddiga Q/Midoobay meesha ka saaray.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in madaxweyne Farmaajo uu kasoo dhex xushay 40 musharax oo xilkan u taagnaa, waxaana hadda howsha ugu weyni tahay inii kalsooni ka helo Baarlamaanka.

HOOS KA AKHIRSO QORMOOYIN XASAASI AH OO KU SAABSAN RA’IISAL WASAARAHA MAGACAABAN

DAAWO VIDEO: Ra’iisal wasaare Xasan Kheyre ma Alshabaab ayuu xiriir la lahaa..? [Warbixinta Qareenkiisa]

Akhriso: Taariikh Nololeedka Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON