Shirkii magaalada Garowe uga socday afarta maamul Goboleed ee Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray 15 qodob oo ku saabsan xaaladda dalka.
Qodobadda ugu waaweyn ee shirkan laga soo saaray ayaa waxaa ka mida in dhammaan meesha laga saaray heshiisyadii ay wada galeen dowladda Federaalka iyo maamullada, waxayna sheegeen inay sameysanayaan qorshe amni oo u gaaray iyo ciidamo ay isku darayaan.
Afarta maamul Goboleed ayaa sameystay Xisbi la baxay Horusocod oo guddoomiye KMG ah uu ka noqday Madaxweynaha Puntland, waxaa kaloo hoggaanka Golaha laga dhigay Sharif Xasan Sheekh Aadan iyadoo ku xigeenna u yahay Axmed Ducaale Xaaf.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA