Shir magaalada Kismaayo uga socday madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya 8-10-kii Oktoobar ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan xaaladda dalka iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.
Maamul Goboleedyada ayaa sameeyay Dallad kulmisa maamullada ay hoggaamiyaan, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay kala tashato arrimaha quseeya maamulladooda.
War-murtiyeedka ayaa ka kooban 16 qodob oo ku saabsan arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA