Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ku xiran ururka khilaafa ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa la sheegay inuu sii kordjhyey howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya, siiba magaalada Muqdisho, sida uu qoray Wargeyska Long War Journal.
Warbixinta uu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay Daacish laanteeda Soomaaliya ay sare u qaadday weerarrada ay ka geysato magaalada Muqdisho iyo degaanada u dhow waxaana afar ka mid ah shan weerar oo ay bishii April ka geystay Muqdisho ay dhaceen wixii ka dambeeyay 15kii April.
15-kii April, Warbaahinta Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in ciidan u daacad ah Daacish ay Degmada Afgooye ku dileen sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya, todobaad kaddib waxaa ay baahisay dilka sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho, afar maalmood kaddib haddana waxaa ay baahisay dilka sarkaal kale oo ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya.
Todobaadkii la soo dhaafay waxaa ay sheegtay in Sarkaal Boolis ah ay ku dishay Muqdisho,waxaa xigay dorraad oo ay baahisay dilka sarkaal kale oo Nabad sugidda ka tirsanaa ay sheegatay in ay ku dishay isla Magaalada Muqdisho.
Warbixinta Wargeyska waxaa lagu sheegay in sanadkan 2018, Ururka Daacish uu 13 weerar lka fuliyay Soomaaliya,weerarradaas waxaa ay ka badanyihiin kuwii ay fuliyeen 2016 iyo 2017, sida ay baahisay xogta keydka ee Acmaaq oo soo bandhigtay kiisaska weerarrada ee Soomaaliya.
Dilalka qaar ee ay Daacish geysato waxaa ay marka ay baahinayaan warbaahintooda raaciyaan sawirro, Muuqaallo iyo mararka qaar cod ama maqal si ay u caddeeyaan in iyaga ay ka dambeeyeen falkaas.
Inta badan lama caddeeyo nooca weerarka iyo goobta uu ka dhacay,waxaase ay beegsadaan sirdoonka Soomaaliya,Booliska,Milatariga, iyo Saraakiisha amaanka Ciidanka Maamulka Puntland,labo ka mid ah weerarrada waxaa ay ka kala dhaceen degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho iyo degaanka Jurur oo ka tirsan Puntland .
Acmaaq oo ah warbaahinta Daacish waxaa ay baahisay 45 weerar oo ay ka geysatay Soomaaliya, 14 ka mid ah waxaa ay ka dhaceen caasimadda Muqdisho, 12 waxay ka dhaceen Shabeellaha hoose gaar ahaan Afgooye iyo agagaarkeeda halka kuwa kale ay ka dhaceen Boosaaso iyo Qandala, kuwo kale ayey sheegteen in ay ka geysteen Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.
Inta badan weerarrada Daacish ee Soomaaliya waa dilalka qorsheysan ee loo geysto shaqsiyaadka Dowladda ka tirsan,waxaa ay geysteen shan qarax oo kuwa Miinooyinka ah sida ku xusan warbixintan.
Kaliya 4 weerar ayey la beegsadeen howlgalka AMISOM,waxaase inta ugu badan ay Daacish beegsataa Saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kaliya hal weerar oo is qarxin ah ayey sheegatay Daacish,kaas oo Bishii May ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,bilo kaddib markii laga saaray Magaalada Qandala oo ay qabsadeen.
Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya C/Qaadir Cali Muumin,waxaa uu Al-shabaab ka goostay October 2015kii, waxaana uu ku biiray Ururka Daacish.
Tirada Ururka Daacish ee Soomaaliya ayey warbixinta ku sheegtay in ay u dhaxeeyaan 200 ilaa 300 qof, kuwaas oo inta badan ka howlgala Gobollada Puntland, haddase u muuqda in ay Muqdisho xoogga saareen.
Warbixinta waxaa ay sheegtay in Daacish ay kaliya hal xarun tababar ku leedahay Soomaaliya, waxaa ay ku taalla Buuraleyda Goolis ee Puntland, waxaana lagu magacaabaa Bashiir Abuu Nucmaan oo ahaa Taliye ka tirsanaa Al-shabaab, hayeeshee ka goostay kuna biiray Daacish, waxaa markii dambe dilay Amniyaadka Al-shabaab.