Wareegto: Ilaalinta Tanka Gaadiidka Xamuulka :-
Qodobka 1-aad
Laga Bilaabo Maalinta Xeerkan La Saxiixo Waxaa Gaadiidka Waaweyn Ee Xamuulka Laga Mamnuucay in ay Qaadaan Xamuul Rar ahaan Dhaafsiisan Rarka Mid Walba Sharci Ahaan U dhigan,Maadaama Rarka Xad dhaafka Ah Uu Halis Ku Yahay dadweynaha Iyo gaadiidka jidadka la wadaaga,isla markana ay waajib Tahay in la Ilaaliyo Shuruucda Iyo Xeerka Wadooyinka Magaaladda Muqdisho.
Qodaobka 2-aad
1- Cid Alaale Iyo Cidii Xeerkan Jabisa AMA Ku Xad Gudubta Waxay Muteysan doontaa Ganaax Lacageed Oo dhan 10,000,000 (Toban Milyan oo Ah Sh. So) Sidoo Kale Cidii Ganaaxa Ku Bixin weyda mudada Loo qabtay,lagala Noqon doonaa Docomentiga ay Ku shaweysato.
2- Cid Allaale Cidii Mar Labaad Xeerkan Ku Xad Gudubta Waxaa Milkiilaha lagala wareegi Doonaa Gaadiidka Dambiga Galay.
Qodobka 3-aad
Xeerkan fulistiisa waxaa U xilsaaran Dhamaan Hey adaha Uu qoraalkan Sida tooska ay Ugu socoto Iyo Cid allaale Iyo Cidii Kale oo ay shaqo ahaan ay Quseeyso Howlaha Amniga Gobolka Benaadir.
Qodobka 4-aad
Si arintani aysan kadis Ugu Noqon Gaadiidkeyda Xamuulka ah Ee Gobolada Ka Yimaada Iyo Kuwa Ka shaqeeya Dekada Magaaladda Muqdisho Waxaa Xeerkan Lagu Baahin doonaa Warbaahinta Dalka mudo Sedex Maalmood Ah oo isdaba Joog ah.