Warar dheraad ah ayaa laga helayaa geerida hogaamiyihii ururka Al Shabab Ahmed Diiriye (Abu Cubeyda) oo la sheegay inuu Isniintii 25-ka June 2018 uu ku geeriyooday Koofurta Soomaaliya.
Waxaa warkan markii ugu horeysaysheegay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya [Warkan halkan ka Akhriso], waxaana geerida Amiirka Alshabaab xaqiijinaya Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kelliyaha ah oo muddo hayey.
Goobta uu ku geeriyooday ayaa la sheegay inay tahay Jubbooynka, gaar ahaan degaan u dhow Jilib oo ka tirsan Gobolka J/Dhexe , Xarakada Alshabaab ayaan xaqiijin, isla markaana beenin geerida Amiirkooda, waxaana sidoo kale si rami ah uga hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) ayaa qabtay xilka hogaamiyaha Al Shabab, bishii December ee sannadki 2014-ki, kadib marki ay Dowlada Mareykanka duqeyn ku dishay hogaamiyihii isaga ka horreeyay Axmed Cabdi Godane.
Inkastoo dowladda Mareykanka ay amiirka Alshabaab Axmed Diiriye dul dhigay lacag dhan 6 milyan oo dollar, haddana wuxuu ahaa hoggaamiye aan inta badan hadlin oo afgaaban, waxaana xilligii uu amiirka ahaa la laayey dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah oo Alshabaab ay ku dishay qaraxyo uu ka mid yahay kii Soope ee dhacay Oktoobar 2017.