Tuesday, June 24, 2025

Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku dilay Sarkaal sare iyo Askar ka tirsan ciidamada Dowladda

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii sarkaal ciidan iyo laba ilaaladiisa ka mid ah ku dilay weerar gaadmo oo ay ku qaadeen degmada Mahadey ee Gobalka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiye degmada Mahadaay Axmed Xuseen ayaa sheegay in saldhiga la weeraray oo ku yaallo bartamaha demada Mahadaay. Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarka lagu dhaawacay laba askri, kadib israsaaseyn in mudo ah socotay.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka kooxda Al-Shabaab, ayey ku sheegatay in ay la wareegtay xarumaha ciidanka HirShabelle ee degmada Mahadey.

Askarta weerarka lagu dhaawacay ayaa la gaarsiyay Isbitaalka magaalada Jowhar si loogu dabiibo

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON