Thursday, June 26, 2025

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Baardheere

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay xalay weerar ku qaaday xalay garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda.

Dagaalka dhexmaray Ciidamada AMISOM ee Itoobiya iyo Al-shabaab ayaa loo adeegsaday hubka waaweyn, waxaana la sheegay in rasaas habow ah ay haleeshay dadweyne shacab oo magaalada degan.

Wararka ayaa sheegaya ilaa 5 ruux oo shacab ah ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay garoonka Baardheere oo kooxda Alshabaab ay weerar kedis ah ku qaaday.

Isgaarisiinta degmada Baardheere ayaa hawada laga saaray saaka iyadoo xaaladda degaankaasi ay ka jirto xaalad digtooni ah iyo dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamada Itoobiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON