Monday, June 23, 2025

Al-shabaab oo xukunno Rajmi (Dhagax-ku-dilis), Gacan-goyn iyo Toogasho ku fulisay Saddex rag ah

Maxkamadda Alshabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xukunno isugu jira Rajmi, gacan goys iyo toogasho ku fulisay saddex qof oo rag ah, laguna soo eedeeyay dembiyo kala duwan.

Fulinta xukunnada ayaa shalay gacab ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo maxkamadda Alshabaab ay xukunkaasi riday, waxaana lagu kala fuliyey:

Xasan Cabdi Aamey: Waxaa lagu soo eedeeyay kufsi haweeney muslimad ah oo lagu caddeeyay, isgoo soo maray guur xalaal ah, isaguna uu qirtay dembiga, waxaana lagu xukumay xukun Rajmi (In Dhagax lagu dilo), waxaana lagu fuliyey xadkii rajminta ahaa.

Ad

Eedeysane aan la magacaabin oo lagu soo eedeeyay inuu u dhacay guri kuyaal deegaanka Jariira ee Sh/hoose, isagoo ka xaday lacag dhan 10 milyan iyo lix boqol oo shilin Soomaali iyo agabyo kale, waxaana lagu fuliyey xukun ah in Gacanta midig laga jaro.

Mukhtaar Cali Cabdulle: waxaa lagu soo eedeeyay inuu ahaa 28 sano jir ka tirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka ilaa 2007-dii, waxaan la sheegay inay qabteen Alshabaab isagoo ka tegay Muqdisho kuna sii jeeday Magaalada Baydhaba, waxaana lagu fuliyey dil toogasho ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON