Wararka laga helayo Gobolka Bari ee degaanada Puntland ayaa sheegaya in kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay iska hor imaadyo ku dhex mareen Gobolka Bari.
Laba dhinac ayaa maleeshiyo ka badan 18 isaga dilay dagaallo ku dhex maray degaano ka tirsan Gobolka Bari, waxaana socda diyaar garow dagaal oo laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo labada dhinac oo dagaal isku iclaamiyey.
Alshabaab ayaa weerar dhowaan ku qaaday degaanka Cal-miskaad ee Gobolka Bari, halkaasoo lagu dilay 3 ka mida Daacish, waxaana goobta ka baxsaday taliye ka tirsan Daacish oo lagu magacaabo C/raxmaan Faahiye.
Weerar rogaal celis ah oo ay Daacish qaada ayey ku sheegtay inay ku dishay 14 ka tirsan Alshabaab, waxayna xaaladu gaartay meel halis ah, oo labada ciidan ay mar kale isku fara saareen degaanka Miraale ee Buuraha duleedka magaalada Boosaaso.
Weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay degaanka Miraale oo ay isku hor fadhiyeen maleeshiyada Daacish iyo Alshabaab ayaa hakiyey dagaal kale oo dhex mari lahaa, waxaana la sheegay in maleeshiyada Daacish oo u badan ajaaniib ay dadka degaanka ugu baaqeen inay Alshabaab ka difaacaan Sheekhooda oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir Muumin.
Kadib go’aankii ay hoggaanka Sare ee Alshabaab ku dhawaaqeen xalay ee ahaa in dagaal toos ah ay la galayaan Daacish, waxa la filayaa in Gobolka Bari uu noqdo halka ay isku fara saari doonaan labada kooxood ee Alshabaab iyo Daacish.