Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab Maxay uga gaabsatay inay sheegato Qarxintii Baska Ciyaartoyda ee Magaalada Kismaayo..?

3 Qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Qarax lagu xiray bas ay saarnaayeen Ciyaartoy koox kubadda cagta ah oo ka dhisan magaalada Kismaayo, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen 5 kale oo laba ka mida ay xaaladooda liidato.

Qaraxa oo sababay inuu Baska la beegsaday ku bas beelo ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeysay Alshabaab, lakiin ma jiro weli wax war ah oo sheegasho mas’uuliyadeed ama beenin ah oo kasoo baxay Al-shabaab.

Waxaa Xarakada Alshabaab caado u ahayd inay si degdeg u sheegato qaraxyada iyo weerarrada ay ka geysato Gobollada Dalka, laakiin waxaa jira dhacdooyin yar oo ay ka gaabsato inay sheegato marka dad shacab ah kaliya ay wax ku gaaraan falalkooda.

Alshabaab ayaa la xusuustaa inaysan weli sheegan, kana gaabsatay qarixii weynaa ee Zoope Oktoobar 2017 oo boqolaal shacab ah lagu xasuuqay, taariikhdana ku galay Qarixii argagixiso ee ugu dhiig daadashada badnaa gudaha Soomaalida.

Alshabaab ayaa dhinaca kale sheegtay qaraxyo ay shacab badan ku dhinteen sida Qarixii Hargaha iyo Saamaha Oktoobar 2011, oo lagu dilay arday fara badan iyo Qaraxiii Shaamo Disembar 2009, oo lagu laayey Arday qalin jebineysay iyo wasiiro ka tirsanaa dowladii KMG ahayd.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON