Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo Baabuur Ganacsi ku gubay Gobolka Hiiraan & Dagaal ka dhex qarxay…

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab  ay dab qabadsiiyeen gawaari ku rarnayd badeeco ganacsi xili ay marayeen deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa gubay ilaa 6 gaari oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo ku sii jeeday Gobolada Bay, Bokool iyo deegaano katirsan is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa ah deegaanka lagu magacaabo Maroodiile ooii 25 KM u jira magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoo u adeegsaday Baasuukayaal  si ay u gubaan dhamaan 6 gaari iyo badeecadda saarnayd.

Waxaa iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmarey Maleeshiyada Alshabaab iyo dadka deegaanka, Al-shabaab ayaa la sheegay in halkaasi looga dilay ilaa 4 qof. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saaka baxeen magaalada Baladweyne iyagoo ku sii jeeda goobta falku ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON