Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo baahisay Magaca iyo Jufada Is-miidaamiye kasoo jeeda Beesha Mareexaan oo isku qarxiyey..

Qaraxa uu ninkan geystay waxaa ku dhintay 8 qof, waxaana ku dhaawacmay 17 kale.

Warbaahinta Alshaab ayaa baahisay qofka uu ahaa iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiye isku qarxiyey magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegtay inuu kaxeynayay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday Gaadiid galbinayay saraakiil caddaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka baxday saldhigga Gordon, kuna sii jeeday Xalane.

Wareysi lala yeeshay ayuu ku sheegay inuu yahay 35 sano jir lagu magacaabo Cali Nuur Muumin oo ku magac dheeraa Muxsin iyo Aabuu Sudeys, kuna dhashay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo sanadkii 1986; isagoo ka dhashay Beesha Mareexaan, gaar ahaan Jufada Uur-midig.

Ninkan ayaa sheegay inuu Alshabaab ku biiray sanadkii 2005, wuxu ka mid noqday ciidamada Jabhadda ee ka howl gasha Gobolka Gedo, kadibna wuxuu iska diiwan geliyey xafiiska Is-miidaamiyeyaasha.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Qaraxa uu ninkan geystay ay ku dhinteen 8 qof, ayna ku dhaawacmeen 17 kale, waxaana dadka ku dhaawacmay ka mida 11 arday oo dhigta Dugsiga Almucaasir oo u dhowa goobta qaraxu ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON