Bayaan ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda ee AlShabaabul ayaa looga hadlay duqeynta ciidamada Mareykanka ku hayaan degaanada ay ka taliso, iyadoo soo bandhigtay tira-koob ku saabsan qasaaraha duqeyntaasi.
Bayaanka oo ku qornaa Luqadaha Ingiriiska iyo Soomaaliya ayey Alshabaab ku eedeysay Mareykanka inuu degaanadeeda ka fuliyo duqeyno aan kala joogsi lahayn, isagoo aan kala soocin shacabka sida caruurta, haweenka iyo waayeelka, sidoo kalena ay duqeyso goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka, ayna dhcday in qoysas dhan lagu xasuuqo.
“In ka badan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuu ku beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab…” ayaa lagu yiri Bayaanka Alshabaab oo intaas raaciyey in dadka lagu diley duqeynta Mareykanka ay u badnaayeen dad Beeraley ahaa.
Bayaanka Alshabaab ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dadka dhintay duqeynta Mareykanka ay 37% yihiin Beeraley, 24.1% ay ahaayeen Dumar iyo Caruur, halka dadka reer Miyiga gaarayeen 21.4%.