Alshabaab ayaa xaflad caleemo saar ah u sameysay suldaan cusub oo ay yeelatay Beesha jareer ee dageenada Jubbooyinka.
Suldaanka cusub oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayey Alshabaab u sameeyheen Beesha Jareerweyne ee ku dhaqan Jubbooyinka, iyadoo lagu caleemo saaray degaanka Booriini oo ah duleedka degmada Jamaame.
Xafladdan oo ka mid ahayd xaflado dhowr ah oo Alshabaab ku caleemo saartay tobanaan Nabadoon oo iyaga taageersan ayaa si weyn loo agaasimay, waxayna ka dhacday Jiinka Webiga Jubba, waaana Suldaanka lagu wareejiyay, Kitaab quraan ah, Qori AK47 ah iyo Gaari cusub.

DAAWO SAWIRRADA









