Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ay Alshabaab ku qaaday dad shacab ah iyo Gaadiid raashin siday oo u kala safrayay magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.
Wararka ayaa sheegaya in Gaadiidka la gubay ay ku dhow yihiin 10 Gaari, iyadoo dadkii saarnaa lagala degay, kadibna la dilay. 25 Qof dad gaaraya ayaa la sheegay inay Alshabaab ku dishay falkan oo ah mid cusub Gobolka Hiiraan oo lagu sheegay inuu yahay aargoosi.
Gaadiidka la gubay ee xamuulka siday Raashinka ayaa Jimcihii ka baxay magaalada Baladweyne iyagoo ku sii jeeday Degmada Maxaas, waxayna Alshabaab xalay u galeen deganka Afar Irdood oo 35 Km u jira magaalada Beledweyne; waxaana dhacdadan ay tahay tii ugu horeysay ee Alshabaab kula kacdo dadka degaanka.
Alshabaab oo war yaab leh kasoo saartay weerarkan iyo dadka ay ku leysay degaanka Afar-irdood ayaa sheegtau inay yihiin Macaawisleyda dagaalka uga horjeeda Alshabaab, iyadoo ka dilay 20, halka ay gubeen 8 Gaadiid nooca xamuulka.
Wararka ayaa sheegaya in Dadka ay Alshabaab weerarkan ku dileen ay gaareen 25 qof oo caruur ku jirto, halka 5 qof oo dumar ahna ay nolol ku wateen, sida uu sheegay xildibaan Maxamed C/qaadir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in ilaa 27 qof ay dilen Alshabaab, 10 gaari-na ay gubeen, iyadoo degaanka arrinan ka dhacday ee Afar Irdood ay u soo dhuunteen. “Shan qof oo midka u weyn yahay 3 jir iyo haween umul ag oo 30 berri dhallan ayaa ka mida dadka ay dileen, kuwaas ma macawisley baa..?” ayuu yiri Guddoomiye Gobolka Hiiraan.
