Alshabaab oo Degmada Afgooye Dab ku qabadsiiyey Gaari-Dameer Dhuxul siday..

Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegay in dabley ka tirsan Alshabaab ay dab qabadsiiyeen Gaari Dameer Dhuxul siday oo ku sugnaa xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dabley ka tiran Alshabaab oo wadatay Mooto Dhugdhugley ah, iyadoo Gaariga oo aanu Dameerkii ku xirneyn ay dab qabadsiiyeen, wuxuuna gaarigaasi ka yimid Tuulada Buulo-maguurto ee degmada Afgooye, iyadoo dadkii doonayey inay iibsadaan Dhuxusha ay ka celiyeen, halkaasina ku kala eryeen.

Falkan ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Afgooye oo maleeshiyada Alshabaab yimaadaan inta badan, waxayan ka mid tahay olole ay Alshabaab muddooyinkan dambe ku heyso Dhuxusha, kaasoo keenay inay si weyn uga qaaliyowdo Caasimadda.

Ad

Hore waxay Alshabaab degmada Afgooye ugu gubeen baabuur fara badan oo siday Dhuxul laga keenay Goiolka Sh/hoose.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,392FansLike
754FollowersFollow
2,886FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!