Wararka laaga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay nin oday ah ku gowracday tuulada Ceel-cali ee degaanka Galcad.
Nikan odayga ah oo magaciisa ay dadka degaanka ku sheegeen Axmed Maxamed Daangaab ayaa maleeshiyada Alshabaab ay qoorta ka jareen shalay gelibkii danbe, waxyana meydkiisa dhigeen goob fagaaro ah, waxaana dadka ay sheegayaan in meydku weli halkaasi yaallo oo laga baqay in la aaso.
Al-shabaab ayaa ku eedeysay ninkan ay gowraceen inuu qori uu lahaa ku taageeray maleeshiyada loogu yeero Macawisley ee ka barbar dagaalanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka.
Alshabaab ayaa hore tallaabooyin gowrac ah ku fulisay odayaal da’ ah iyo kuwa nabadoono ah gobollada badan oo ka mida Koonfurta Soomaaliya.
Goobjooge.com