Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa dil qorsheysan oo la yaab leh ka fulisay degaanka Halgan
ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wararka laga helayo degaanka Halgan ayaa sheegaya in dabley ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, isla markaana ay qaateen qoryihii ay wateen.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in falkaasi uu ahaa mid si weyn loo qorsheeyay oo kooxdii Alshabaab ay si nabad ah ula tageen qoryihii askarta ay dileen.
Goobjooge.com