Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay halkaasi ku dishay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Shigshigow ayaa waxaa weerar ku qaaday koox ka tirsan Alsahbaab , kadib markii wadadda u galeen duleedka degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana lagu dilay sarkaalkan.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan oo la sheegay inuu ahaa isku duwihii ciidamada K/Galbeed Xudur iyo Ceelbarde.
Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Alshabaab ayaa weerraro iyo Qaraxayo joogto ah ka fulisa Gobollada Koonfurta Soomaaliya.
