Wararka laga helayo degmada Hobyo ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ay halkaasi ka wateen Doon lagu qabtay kalluumeysato Yemaniyiin oo maanta xukun lagu riday.
Wararka laga helayo dadka ku sugan Hobyo ayaa sheegaya in koox hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay tageen magaalada Hobyo , waxaana la soo weriyay in guri ku yaalla magaalada ay toos u abaareen, halkaasoo ay kala baxeen matoor Doon la sheegay in lagu qabtay kalluumeysato ajnabi ah, kadibma ay ku xirteen Doon xeebta ku sugneyd oo halkaasi ay ka shiraacdeen.
Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Hobyo C/llaahi Ahmed Ali ayaa beeniyay warr caawa la isla dhex marayay oo ku saabsan in Alshabaab ay qabsaeen Hobyo, isagoo sheegay inay wararkaasi yihiin been abuur.