Wararka laga halayo magaalada Kismaayo inay magaaladaasi ay ku dhaceeb hoobiyyeaal ay Alshabaab ku duqeeyaan magaaladaasi, waxaana la sheegay inay dhaliyeen qasaare dad ku dhaawacnay.
Isbitaalka magaalada ayaa la dhigay afar qof oo ku dhaawacantay madaafiica hoobiyeyaasha ee lagu garaacay magaalada Kismaayo. Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay xaafadda Via Afmadow ee gudaha magaalada.
Alshabaab ayaa sii xoojiyay weerarada ay ku qaadayaan magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya iyo qaraxyada, waxaana hoobiyeyaasha ay ku weerareen Kismaayo ay xalay magaaldaasi ka dhaliyeen xaalad kacsan.
Dadka dhaawcamay ayaa kala ah laba caruur ah, saraakiisha ammaanka maamulka Jubba ayaa sheegay in kooxda Al-Shabab ay ka soo tureen hoobiyeyaasha meel magaalada banaankeeda ah, Guryaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa ku dhow xero ay degen yihiin ciidamada Amisom ee Burundi iyo kuwa maamulka Jubba.
Goobjooge.com