Tuesday, July 8, 2025

Alshabaab weerar gaadmo ah ku khaarijisay sarkaal ka tirsanaa oo taageeray Daacish

Wararka laga ka helnay dadka degaanka iyo ilo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in kooxda Alshabaab maleeshiyo ka tirsan ay weerar ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey ay ku dileen afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horey uga mid ahaa saraakiisha ururka Al-Shabab balse dhowaan taageeray kooxda Khilaafada Islaamiga ee Daacish.

Sheekh Xuseen Cabdi Geedi iyo xubnaha kale ayaa la sheegay inay taageereen ururka Daacish ciidamana ay urursanayeen. Waxaa Sheekh Xuseen uu ahaa hoggaamiyaha maleeshiyada ka baxday Al-Shabab ee taageerada u fidisay Daacish iyadoo dhowr goor ay isku dhaceen Alshabaab.

Sheekh la dilay wuxuu hore u soo noqday Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee ururka Al-Shabab. Sidoo kale waxa uu Al-Shabab uga soo shaqeeyey magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa falal khaarijin ah ku fuliya dhammaan saraakiisha looga shakiyo inay kooxo kale taageeraan ama diidaan u hogaansanaanta madaxda sare ee ururka iyadoo hore sidan oo kale loogu khaarijiyay saraakiil sare oo kooxda ka mida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON