Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Ceelwaaq & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Gobolka  Gedo ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ayaa caawa la wareegtay degmada Ceelwaaq ee xuduudka Somalia iyo Kenya,  gobolka Gedo.

Ciidamada Alshabaab ayaa weerar kula wareegay Ceelwaaq markii ay isaga baxeen ciidamadii ka tirsanaa maamulka Jubbaland ee ku sugnaa, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay dadka u jeediyeen khudbo, iyadoo uga digay inay la shaqeeyaan ciidamada maamulka Jubba iyo kuw Kenya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab isaga baxeen degmada Ceelwaaq, markii ay muddo ku sugnaayeen, waxaana weerarkan uu ka mid yahay howlgallo joogto ah oo kooxda Alshabaab ay bishan Ramadaan ku dhaqaaqday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON