Garabka siyaasadda Alshabaab ayaa kala qeybiyey Gobollada Bay iyo Bakool oo hore u ahaa hal maamul, waxayna u magacaabeen laba guddoomiye (Waali) oo cusub.
Isbedelka maamul ee Alshabaab ku sameysay Gobollada ay ku xoogan tahay ee Bay Bakool waxaa looga dhawaaqay xaflad si gaara loo qabtay oo uu soo abaabulay Xafiiska Siyaasadda iyo xiriirka Gobollada ee Al-Shabaabul.
Guddoomiyaha Gobolka Baay ee Alshabaab ayaa loo magacaabay Sheekh Cusmaan Abuu Cabdi Raxmaan, waxaa sidoo kale Guddoomiyaha A;lshabaab ee Gobolka Bakool loo magacaabay Sheekh Xamsa Abuu Jacfar.
Waxaa xilkii laga qaaday oo meesha ka baxay Guddoomiyihii Bay iyo Bakool Sheekh Cabdullaahi Macalim Geedow oo muddo 8 sano ah ahaa Waaliga Baay iyo Bakool.
Guddoomiyeyaashii Alshabaab-ka u magacaabeen maamulka Gobollada Bay iyo Bakool waxaa ka mid ahaa Amiirka Al-Shabaab ee xilligan Sheekh Axmad Cumar Abu Cubeyda.
